Wasiirka Duulista JSL oo Madaxwaynaha ugu warbixiyay Qorshaha Xukuumadda ee Madaarka Boorama

0
259

Borama,(HargeisaPress) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay dhismaha socda ee Madaarka Boorama, xilli uu safar rasmi ah ku marayo gobolka Awdal.

Madaxweynaha ayaa warbixin rasmi ah ka dhageystay Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Mudane Fuaad Axmed Nuux, kaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay marxaladda koowaad ee dhismaha madaarka. Qaybaha hadda la dhisayo waxaa ka mid ah dhabaha diyaaradaha (Runway), goobta kala wareegga diyaaradaha (Taxiway), iyo meelaha dhigista diyaaradaha (Apron). wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay in wejiga labaad ee mashruuca lagu bilaabi doono dhismaha Terminal-ka Rakaabka iyo Air Navigation Tower, kuwaas oo muhiim u ah bixinta adeegyo casri ah oo ammaan ah.

Waxaa la qorsheynayaa in Madaarka Boorama noqdo xarun istiraatiiji ah oo u adeegi doonta rakaabka, xamuulka, iyo hawlgallada gurmadka degdegga ah, si loo xoojiyo isku xidhka gobollada dalka iyo deegaanada Somaliland guud ahaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ammaanay dadaalka Wasaaradda iyo horumarka muuqda ee mashruuca, isaga oo bulshada reer Boorama ugu baaqay inay la shaqeeyaan dawladda oo ay banneeyaan dhulka madaarka ee lagu soo durkay, si loo sugo amniga iyo hirgelinta buuxda ee mashruuca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here