Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo la kulmay madaxda Shirkadaha Diyaaradaha

0
912

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, ayaa waxaa uu kulan ballaadhan uu la qaatay Shirkadaha Diyaaradaha ee ka hawl-gala dalka Somaliland.

Kulankan uu Wasiirku uu la qaatay Shirkadaha, ayaa ujeeddadiisu ahayd isbarasho iyo in la isla eego sida Shirkadaha diyaaraduhu doorkooda uga qaadanayaan qorshaha horumarinta duulimaadyada iyo garoomadaha diyaaraddaha ee Wasaaraddu gacanta ku hayso.

Shirkadaha Diyaaradaha, ayaa sidoo kale iyaguna waxaa ay soo bandhigeen waxyaabaha ah in qorshaha lagu daro.

Ugu dambayn waxa loo ballamay kulamo kale oo shirkadaha iyo wasaaraddu kaga wadahadli doonaan qoddobada hor-tabanta leh ee la xidhiidha sidii loo horumarin lahaa loona kobcin lahaa adeegyada duulimaadyada ee shirkaduhu gacanta ku hayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here