Shir Lagu Qiimaynayo Waxqabadka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Oo Hargaysa Ka Furmay

0
472

Hargaysa (HP): Waxa saaka si rasmi ah uga bilaabmay Hoolka shirarka ee Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland ee magaaladda Hargaysa Shir lagu qiimaynayo waxqabadka Wasaaradda ee sanadda 2020-ka.


Iyadoo shirkaasi lagu falanqaynayo laguna lafo gurayo qorshayaasha sanadka 2021 ee Wasaaradda.
Shirkan oo uu godoominayey wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqwaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa ay kasoo qaybgaleen dhamaan agaasimeyaasha waaxaha iyo lataliyeyaasha Wasaaradda.


Inta uu shirkani socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa warbixinta waxqabadka waaxaha kala duwan ee Wasaaradda oo ay soo bandhigi doonaan Agaasime-waaxeedyadda Wasaaraddu.


Waxa sida oo kale lagu lafa-guri doonaa qorshaha sanadka 2021 oo xoogga lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa ahdaafta Wasaaradda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here