Wasiirka Deegaanka oo lagu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne

0
881

Oodweyne (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Degaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland, Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa lagu soo dhaweeyay degaanka Ceel-same oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daadmadheedh.

Qaarka ah bulshadii soo dhaweysay, ayaa ka markhaati kacay wixii xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ka qabteen degaanka Ceel-same, waxaaney bulshada ka codsadeen in markale ay codkooda siiyaan oo ay dhisaan madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Intaas kadib wasiirka, ayaa loo soo galbiyay dhanka magaalada Oodweyne, waxaaney wasiirku markii ay soo gaadhay magaalada xadhiga ka jartay xafiisyo cusub oo xisbiga Kulmiye ku yeelan doono gudaha magaaladaasi.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa waxaa ay sheegtay in gobolka Daadmadheedh uu yahay mid barakeysan, waxa ay intaas ku dartay in gobollada kale ee dalka uu kaga nasiib badan yahay waxa ay xukuumadda talada dalka hays ka qabatay.

Waxaaney bulshada ku adkeysay inay xil iska saaraan ilaalinta nabadgelyada, isla-markaana ay codkooda siiyaan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here