Wasiirka Caddaaladda JSL Oo La Kulmay Hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaaradda

0
20

Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiirka Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa la kulmay hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaaradda Caddaaladda.

Kulankan waxa kasoo qaybgalay hay’adaha UN-ta sida UNDP, UNICEF, UNODC, UNISOM iyo IOM, waxana goobjoog ahaa agaasimaha guud wasaaradda cadaalada mudane ismaciil saleebaan bowkax Waxa uu ahaa ujeeddada kulankan dardargelinta barnaamijyada qorshaha u ah wasaaradda ee ku astaysan 100 maalmood iyo waxqabadka xukuumadda xisbiga WADDANI.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hay’adda uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay Somaliland ula shaqeeyaan, ugana taageeraan barnaamijyada lagu horumarinaayo adeegyada caddaaladeed. Wasiirku waxa uu xusay in wasaaradda ay ahmiyad u tahay dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda sida xabsiyadda iyo adeegyada kale ee caddaaladeed.

Dhammaan masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ka socday ayaa ballanqaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonan wasaaradda cadaaladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here