Wasiirka Cadaaladda Oo Furay Kulan Ku Saabsan Hogaaminta Xabsiyadda

0
358

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay aqoon is waydaarsi ku saabsan hogaaminta xabsiyadda dalka.


Furitaanka aqoon is waydaarsigaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay taliyaha guud ee ciidanka Asluubta Somaliland Axmed Cawaale Yuusuf Libaax, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Axmed Xassan Aw Aaden, iyo masuuliyiin kale.


Waxaana ka soo qayb galay furitaanka shirkaasi wàsaarradaha waxbarashadda iyo Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, komishanka Xuquuqul iinsaanka Qaranka iyo Madaxda sare ee haayadda UNSOM.
Aqoon is waydaasrigaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah waxaa inta uu socdo lagaga doodii doonaa hogaaminta xabsiyadda dalka, iyo sidii loo xuquuqda ay leeyihiin ay u heli lahaayeen xamaabiistu.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here