Jabuuti (HP): Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shir muddo laba maalmood ah magaaladda Jabuuti uga socday madaxda urur goboleedka IGAD.
Shirkaasi wuxuu ahaa mid aan caadi ahayn oo ay dalbatay in la qabto dawladda Soomaaliya.
Waxyaabihii shirkaasi lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa arrinta khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Waxaana ka qayb galay madaxweyneyaasha Jabuuti, Soomaaliya, raysal wasaaraha Itoobiya, iyo raysal wasaaraha dalka Suudaan.
Hadaba markii weftiga uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya ay galabta dib ugu noqdeen magaaladda Muqdisho waxaa ka warbixiyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Daawo: Hadalka Wasiirka:
https://youtu.be/BdtWYayc9UA
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.