Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Oo U Mahad Celiyay Madaxweynaha Djibouti

0
1126

Maxamed BiixiHargeisa,(HargeisaPress) — Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland ayaa Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, u mahadcelisay.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arimaha dibadda Siciid Cali Muuse ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland mahad uga celinayo Madaxweynaha Jabuuti Martiqaad iyo soo dhaweyn uu u sameeyay Wefti Reer Somaliland ah.

Qoraalka Wasaaradda Khaarajiga ka soo baxay waxa uu u dhignaa sidan “Wefdi balaadhan oo ka socda Somaliland ayaa dhowaan booqasho lagu martiqaaday waxay ku tageen caasimada Jamhuuriyada Djibouti ee Djibouti. Wefdigaas ayaa isugu jirey xubno Golaha Wasiirada ka tirsan, madaxda Xisbiyada Qaranka iyo hawl wadeeno labadaas dhinac ka kala tirsan.

Wasiirka Arrimaha Debedda, Maxamed Biixii Yonis , isagoo ku hadlaaya magaca wufuudaas ayuu wuxuu mahad balaadhan u jeedinaya, madaxweynaha jamhuuriyada Djibouti, Ismail Omar Geelle, oo madaxda reer Somaliland si fiican u soo dhoweeyey. Waxa kale oo uga mahad celinaya sidii loo soo dhoweeyey wufuudaas la marti qaaday mudadii ay Djibouti joogeen, taas wax weyn ku kordhinaysa xidhiidhka labada jamhuuriyadood ee Somnalilandf iyo Djibouti. Xidhiidhka labada dal ah mid maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya, sida uu sheegay, Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Arrimaha Debedda ee Jamhuuriyada Somaliland, kaas oo soo jireen ahaa xataa wakhtigii adkaa ee Djibouti ku soo hoos jirtay isticmaarkii France.

Waxa xaqiiqo ah, ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha debedda ee Somaliland, in ay xidhiidhkaas ay markhaati u tahay, markii  madaxaweynaha Djibouti uu garoonka dayuuradaha ee Djibouti uu ku soo maca salaameeyey wefdigii reer Somaliland ee Djibouti lagu marti qaaday, markii ay Hargeisa u soo dhoofayeen, taas oo muujinaysa galkacalka, dhaqanka iyo xididada asaasaiga ah ee u dhidban labada jamhuuriyadood.

Wasiirka Yoonis, wuxuu sheegay in uu aad ugu mahad naqaayo madaxweynaha Djibouti iyo dadka reer Djiboutiba dhamaantood soo dhoweynta qaaliga ah ee lagu qaabilay.”

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here