Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta JSL Oo furay kulan lagaga hadlayay Xeerka Saxaafada iyo Wararka Been Abuurka ah.

0
305

Hargeysa,(HargeisaPress)– Ururka Saxafiyiinta haweenka ee FIMO ayaa manta Hargeisa ku qabtay kulan laga hadlaayey, caqabadaha haysta warbaahinta Somaliland, halka uu marayo xeerka saxaafadda ee Somaliland iyo sida wax looga qaban karo wararka been abuurka ah ee bulshada loo gudbiyo.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen 20 hablood oo ka tirsan saxafiinta magaalada Hargeisa ayaa waxa soo qabanqaabisay ururka FIMO oo kaashanaya Komiishanka Xuquuqal insaanka Qaranka. Waxaa furitaanka hadalo ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL, Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiin Haweenka ee WIJA iyo Agaasimaha Ururka saxafiyiinta Somaliland ee Solja.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here