Wasaradda Dib-u-Dejinta iyo Haayadda Khayriga ah Ee al-Raxma Charity 200 Qoys Danyar ah u Qaybisay Agab Kale Duwan

0
502

Hargeysa,(HargeisaPress)–Wasaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini-Aadantinimada Oo Kaashanaysa Haayadda Khayriga ah Ee Raxma Charity ayaa Maanta 200 Qoys oo danyar ah u qaybisay Agab kale duwan Oo isugu jiray Weelka Noocyadiisa kale duwan iyo Baco u qaybisay Qoysaskii Danyarta ahaa Ee Laba Cisho ka hor ay wasaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini-Aadantinimada ka soo soo rartay Goobo ku-meel gaadh ahaa oo ay deganayeen shan iyo tobankii sano ee u danbeyay taasi oo ku taalay degmada maxamed mooge ee magalada Hargeisa iyada oo ay wasaraddu dejisay goobo ay si rasmi ah u yeelan-donaan dadkaasi barakacayasha ah,
Ugu Horaynba waxa halkasi ka hadlay Agasimaha guud Ee Wasaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini-Aadantinimada Mukhtaar Cabdi Jaamac (Baaxo ) waxaanu agasimaha guud tilmamay inay ka wasarad ahaan ay ka go-an tahay inay sii wadi-donaan taakulada iyo taagerida kaamamka barakacayasha ah

Dhankiisana waxa isaguna halkasi ka hadlay Wasiirka Wasaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini-Aadantinimada Saleban Ducale Xaaji Jaamac waxaanu wasiirku tilmamay inay diyaar u yihiin ka wasarad ahaan inay si joogto ah ula socon-donaan xaalada iyo durufaha dadka barakacayasha ah

Ugu Danbayntii dhankooda qaar ka mid ah Qoysaska danyara ah ee ku dhaqan kaamkasi ayaa u mahadceliyay masuliyinta wasaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini-Aadantinimada sida ay had iyo jeer diyaarka ugu yihiin inay barbar istagan dadka jilicsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here