Hargeysa (HargeisaPress) – Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa soo bandhigtay natiijooyinka qiimaynta lix mashruuc oo ay hay’adda Direct Aid ka fulisay gudaha Somaliland.
Kulanka ansixinta xogta ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda, waxaana furay Agaasimaha Waaxda Qiimaynta iyo Dabagalka, Cabdirashid Cabdi Gedi, oo tilmaamay muhiimadda qiimaynta si loo hubiyo in mashaariicdu waxtar leeyihiin oo waafaqsan baahiyaha bulshada.
Masuulka Direct Aid, Maxamed Aadan Askar, ayaa ku bogaadiyey dadaalka Wasaaradda, isagoo xaqiijiyey in hay’addu sii wadi doonto taageerada bulshada Somaliland iyo iskaashiga joogtada ah ee Wasaaradda Qorshaynta.

















