Wasaaradda Isgaadhsiinta JSL oo Shirkadaha Isgaadhsiinta u ugu-yeedhay kulan degdeg ah

0
712

Hargeysa (HargeisaPress)– Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ilaalinta danaha bulshada, waxay shir degdeg ah ugu yeedhay shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka.

Kulankan oo dhici doona maalinta berri, waxaa lagaga wadahadli doonaa arrinta korodhka ku yimi qiimaha internet-ka ee ay shirkaduhu dhawaan sameeyeen.

Wasaaraddu waxay caddeynaysaa in ay u taagan tahay ilaalinta xuquuqda iyo danta guud ee bulshada iyo shirkaduhuba ay ku shaqeeyaan si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda dalka u yaalla.

Waxa sidan lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda isgaadhsiinta, waxaanu u dhigna sidan.

“‎Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta daryeelka Bulshada Somaliland JSL waxay Shirkadaha Isgaadhsiinta isugu yeedhay kulan degdeg ah maalinta berri.

‎𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐨𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐞𝐭 𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐮𝐡𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐞𝐧.

‎Wasaaraddu waxay u taagan tahay in ay shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Bulshadaba ku ilaaliso xayndaabka sharciyadda Dalka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here