Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Xanuunka Xumadda

0
456

Hargaysa (HP): Shirka xaaladaha deg dega ah ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo manta ka qabsoomay Xafiiska Agaasimaha Guud.
Waxaana shirkaasi shir guddoominayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.
Kaasoo lagaga hadlay Xaaladdaha deg dega ah (Emergency) ee caafimaad ee dalka ku soo kordhay.


Shirkaasi oo qabsoomay xafiiska Agaasimaha Guud ayododbaad kasta la iskaga xog-waraysto xaaladaha Caafimaadka gaar ahaan kuwa deg-dega ah.
Waxaana shirkan ka soo qayb-galeen gudidda xaaladaha degdega ah (Emergency Team) ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa ujeedadiisu ahayd halka ay marayso xaalada xumadda ah ee baryihii u dambaysay ka jirtay guud ahaan dalkeena iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta ku aadan xaaladaasi Bulshadana loola wadaagi lahaa.
Markii uu shirku dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah dhakhaatiirtii loo saaray warka keenida xanuunkan iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka.


Qodobadii shirkaa maanta ee xaaladaha caafimaad ee deg deg ah ka soo baxayna waxaa ka mid ahaa.
Wacyigellin Muhiim ah:

1: in qofkii isku arka xanuunkan xumadda ah xaaladiisana ka yaaba aanu iska qaadan daawooyin aan dhakhtar u qorin ee uu lasoo xidhiidho xarun Caafimaad halka ugu dhaw, talada iyo daawooyinka uu dhakhtarku siiyana uu qaato.

2: in guud ahaan bulshadu ka taxadarto wax kasta oo dhalin kara kaneecadda ama ay ku gaban karto, sida goobaha biyo fadhiisinka ah, goobaha dhirtu ku badan tahay iyo wixii la mid ah, si aynu ula dagaalano kaneecada oo ah mida gudbinaysa xanuunkan.

3: si loo xakameeyo xanuunkan waxaa muhiim ah in qofkasta oo muwaadin ah oo dalka ku nool uu ka qayb-qaadato sidii loo xakamayn lahaa, inaga oo daryeelayna deegaankeena, xanuunkani wuxuu ka dilaaca kaneeco, kaneecaduna waxay ka dilaacdaa nadaafad, daradda ka dhacda deegaanka, qofkasta oo ka qayb-qaata nadaafadda deegaankiisa, sida gurigiisa, iskuulkiisa, jaarkiisa, goobtiisa shaqo, wuxuu qayb-weyn ka yahay sidii aynu xanuunkan u xakamayn lahayn.

4: Wasaaraddu iyadda oo kaashanaysa dawladaha hoose ee dalka, dawladda dhexe waxay ka hawl-galaysaa baabiinta wax kasta oo sababi kara fiditaanka kaneecada, kaneecadaasi oo si dhib-yar uga dilaacda biyuhu haday 24-saac iyo wax ka badan meel yaalaan, bulshadana waxaan u sheegaynaa in ay qayb-weyn ka qaataan sidii loo dabar,goyn lahaa meeshana looga saari lahaa kaneecaasi.

5: guud ahaan cusbitaalada dalku waxay diyaar u yihiin in ay qaabilaan dadka xumadani ay kusoo dhacdo ee u baahan in Cusbitaalka taageere lagu siiyo, berrina waxaan kulan la qaadan doona cusbitaalada gaarka loo leeyahay si aanu uga wada tashano sidii loo daryeeli lahaa dadka ay soo ridato xumadani.

6: Wasaaraddu waxay ka hawl-gashay sidii gudiyadan Xarunta dhexe ka samaysan ee gargaarka degdega ah (Emergency Team) kuwii la midka ahaa ee goboladda matalayay looga aasaasi lahaa, dhamaan goboladana waxaa la farayaa in ay gudiyadda hawl-geliyaan, si ay ula shaqeeyaan dawladaha hoose iyo dawlada dhexeba, si loo yareeyo faafitaanka xanuunkan xumadda ah.

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here