Wasaaradda Beeraha Oo Taiwan Ku Wareejisay Beer Ay Beeralayda Ku Tababbarto, Dibna U Celisay Beer Qoys Reer Gabiley Ahi Hore Si Ku Meel-gaadh Ah Ugu Tabarucay

0
222

Arabsiyo (HargeisaPress) – Khamiista Maanta, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamuud Cige Yuusuf iyo masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Beeraha, ayaa safar ku tagay degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.

Wasiirka Beeraha iyo madaxda kale ee Wasaaradda, ayaa marka hore soo kormeeray Beer ku taalla deegaanka Agabsaha ee duleedka Arabsiyo, taasi oo Dawladda Taiwan ay shantii sano ee u dambeeyay ku samaynayeen tijaabooyin dhanka Wax soo-saarka ah isla-markaana ku tababbarayeen beeraleyda deegaankaas oo ay ka caawiyeen kor u qaadista wax-soo-saarka Beeraha.

Marka labaad, Wasiirka Beeraha Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa Beerta ay Taiwan ku samaynayeen tijaabooyinka dib ugu wareejiyey Qoyska iska leh oo ah Ilma Sucuudi Sheekh Muxumed Warsame, kuwaasi oo hore muddo 5 sanadood ah Taiwan ugu yaboohay beertooda, si loogu tababbarro Beeralayda deegaanka.

Madasha uu Wasiirku dib ugu wareejiyey Beerta, ayaa waxa goob-joog ka ahaa Maayirka degmada Arabsiyo, Qoyska Beerta leh, Madax-dhaqameed iyo waxgarad kale.

Wasiirka Beeraha Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa qoyska uu beerta dib ugu celiyey uga mahad-celiyey inay ogolaadeen in muddo 5 sano ah beertooda si mutadawacnimo looga faa’iideeyo dalka iyo dadka, wixii hadda ka dambeeyana ay u madax-banaan yihiin inay si iskood ah ama gaar ah beertooda uga faa’idaystaan.

Dhanka kale, Wasaaradda Beeraha ayaa hore Taiwan ugu wareejisay Beer Wasaaraddu leedahay oo aan ka fogayn beerta dib loo wareejiyey ee ay hore ugu samaynayeen tijaabooyinka isla-markaana Beeralayda ku tababbarayeen.

Taiwan, ayaa beerta ay Wasaaradda Beeruhu ku wareejisay ku sii wadi doona hawlihiii taageero ee ay u hayeen Beeralayda deegaankaas iyo guud ahaan dalka iyo tijaabooyinkii dhanka Wax soo-saarka Beeraha Somaliland.

Waxa xusid mudan inay Wasiirka safarkan ku wehelinayeen Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Ibraahim Cumar & Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe oo ka mid ah khuburrada Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here