Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Oo Soo Bandhigtay Qaadashada Liisamada Wadista Gaadiidka Oo Qaab Casri Ah Loo Sameeyey

0
1477

KHALIHargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland oo kaashanaysa shirkad Casriyaysay Liisamada Baabuurta ayaa maanta soo bandhigtay qaab cusub oo loo Sameeyay Sharciga(Liisanka) Wadista Gaadiidka.
Shirkad qaadatay Qandaraaska Samaynta Liisamada oo lagu magacaabo Shirkadda Samaynta Liisamada Baabuurta ee Somaliland ayaa Liisamada Gadaadiidka lagu wado oo hore u ahaa Buug, hadda ka dhigtay Kaadh laf ah oo Electronic ah.

Munaasibadda lagu soo bandhigayay Qaabka cusub ee Liismada Gaadiidka waxaa ka qayb galay Wasiirka Hawlaha Guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif, Xeer ilaaliyaha Guud Xassan Axmed Aadan, Hantidhawraha Maxamuud Dheere, Guddoomiyaha Hay’ada qandaraasadka qaranka Aadan Nugaal, Xisaabiyaha guud ee qaranka Maxamed Cabdi Badde, Taliyaha Ciidanka Nabadgelayda Wadooyinka Faysal Xiis iyo masuuliyiinta Shirkada hawshaasi fulinaysa.
Ibraahin Ismaaciil Cilmi oo Madax ka ah Shirkadda Qandaraaska Samaynta Liisamada Qaadatay oo faahfaahin ka bixinaya Samaynta Liisamada ayaa yidhi “Shirkadayadan oo ah mid waddani ah ayaa ku guuleystay in ay casriyeyso Liisamada Baabuurta oo noocii hore ee ahaa Buugaagta u badasho Kaadh Electronic oo laf ah, si aynu ulla jaanqadno waddamada caalamka, runtii waa nidaam aan culeys dhaqaale aan ku soo kordhinayn shacabka, shirkadan waxa ku midoobay dad reer Somaliland oo qurba joog ah iyo kuwa gudaha joogaba, runtii qaabkan cusub waxa uu dalka u leeyahay faa’iidooyin badan oo dhinaca amaanka ah iyo waliba dhinac ilaalinta dhaqalaha wadanka”

Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in hirgalinta Liisankan Casriga ah ay gacan ka gaysteen Wasaaradiisa, Wasaaradda Maaliyadda, Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Shirkadda Samayntiisa fulisay.
.“Munaasibad aynu ku daahfurayno liisanka cusub, ee wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka guriyeynta, liisankan cusub waxa uu kaga duwanan doona kii hore, kani waa la foo leh xog ururin u khaas ah, waxa uu darawaliinta baabuurta kula dardaramay in ay fahmaan masuuliayda saaran oo ay iska jiraan waxa alaale iyo wixii dhib u keenay naftooda iyo dadka dadka kaleba” ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here