Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasaarada Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada oo kaashanaysa Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta qoysas in ka badan 200 oo Qoys ka raray goobo ku-meel-gaadha ahaa oo ay deganaaayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey, taas ku taallay Degmadda Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeysa, iyada oo la dejiyey goobo ay rasmi ahaan u yeelanayaan oo Koonfur kaga beegan Madaarka Caalamiga ee Cigaal.
Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadley, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mukhtaar Cabdi Jaamac, isaga oo faah-faahiyey Qoysaskan la dejinayo Degsiimooyin ay yeelan doonaan, waxaana uu muujiyey sidey Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo arrimaha Bini’aadantinimada uga go’ntahay iney goobo rasmi ah leh dadka ku-barakacsan Dalka gudihiisa, iyaga oo kaashanaya Hay’addaha Dawladda iyo kuwa Caalamiga ah ee wada-shaqeynta leeyihiin.
Dhinacooda waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta, iyo arrimaha Bini’aadantinimada, Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Duulista, Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Ahmed Mooge, waxaaney dhamaantood muujiyeen iney Mar walba u heegan yihiin gacan-siinta Muwaadiniinta dan’yarta ee aan haysan degsiimooyin rasmi ah.
Gabo-gaabadii, waxa iyaguna ka-mahad sheegtay goobo la dajiyey qaar ka mid ah qoysaskii la raray, lana dajiyey degsiimooyinka ay yeelan doonaan.






























