Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, oo ay weheliyaan masuuliyiin heer qaran iyo heer gobol, ayaa waxaa uu xadhigga ka jaray warshadda ugu weyn Geeska Afrika ee soo saarta dahabka, ayna maalgashatay shirkadda Xididmadow, taasoo ku taalla deegaanka Cirshiida ee gobolka Sanaag.
Intaa ka dib, wasiirka iyo weftiga uu hoggaamiyey, ayaa kormeer iyo indho-indhayn ku sameeyey shirkadaha macdanta ee gobolka, iyagoo halkaas kula kulmay maamulka shirkadaha macdanta iyo bulshada deegaanka.
Sidoo kale, weftigu waxa ay raashin gargaar ah gaadhsiiyeen dadka deegaanka ee ay abaaruhu saamaayeem, waxaana deeqda ku wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL, Guddoomiyaha Shirkadda Xidid Madow.
Intaas kadibna, waxa deeqda si rasmi ah u guddoomay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoollaha iyo horumarinta Reer Miyiga, oo ka mid ah guddida heer qaran ee abaaraha isagoo ugu danbayn ku wareejiyey Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse si bulshada loogu qaybiyo.





















