Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Og: Wasiirka Arrimaha Gudaha / Wasiirka Arrimaha Dibedda
Ujeeddo: Xakameynta Ajaanibta Aan Sharciga Ku Soo Galin Dalka
Mudane Madaxweyne,
Anigoo ah muwaadin si hagar la’aan ah uga damqada danta guud ee dalkayga, waxaan si weyn ugu rajo weynahay in aad tixgelin doonto talo soo jeedintaydii hore ee ku saabsanayd xakameynta qulqulka aan nidaamka lahayn ee ajaanibta ku soo qulqulaya gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la xakameeyo dadka ka imanaya dalalka deriska ah sida Jabuuti iyo Itoobiya, Soomaaliya ee aan haysan qorshe cad oo sharciyeysan kuwaas oo aan ku iman ujeeddooyin dan wadaag ee dhaqaale, caafimaad, waxbarasho, ama heshiisyo rasmi ah oo dawladaha dhex mara. Dadka noocaas ah ee si aan sharci ahayn gudaha dalka ku jooga, waxaa haboon in si nabad ah dib loogu celiyo dalkoodii, iyadoo loo marayo hannaan sharci ah.
Sidoo kale, waxaan soo jeedinayaa in laga bilaabo hadda wixii ka dambeeya, socdaalka muwaadiniinta ajaanibka ah uu ku yimaado kaliya heshiisyo rasmi ah oo dawladuhu wada galaan, taas oo kor u qaadaysa mas’uuliyadda iyo kala dambaynta socdaalka caalamiga ah. Dabcan, qoxootiga ku yimaadda xaalado bani’aadamnimo iyo dhibaatooyin ka dhashay dagaallo ama macluul, waa in loo daayaa sida ay dhigayaan xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga.
Waxaan rajaynayaa in talooyinkan la tixgelin doono, iyadoo laga duulayo maslaxadda qaranka, amniga gudaha, iyo ilaalinta nidaamka socdaalka Somaliland.
Mahadsanid
W/Q: Qoraa Ismaaciil Cali Axmed