WAR-SAXAAFADEED: Golaha Wakiillada oo laga sugayo Kaalintooda Dastuuriga ah ee Matalada Shacabka

0
905

HARGEISA – Sida ku cad Qodobka 39-aad ee Dastuurka Jamhuuriaydda Somaliland, Golaha Wakiillada waxa waajib ku ah inay metelaan shacabka, sameeyaan sharciyo, isla markaana ay kormeeraan jihada siyaasadeed ee guud ee dalka u socdo dhaqaale ahaan iyo siyaasi ahaanba.

Maaddaama ay dhawaan shirkadaha isgaadhsiinta ugu waaweyni Telesom iyo Somtel, ku heshiiyeen qiime-korodhsi adeegyadda qaar sida internet-ka iyo taleefannada, taas oo keentay korodh qiime oo gaadhaya 100% marka la barbardhigo qiimihii hore, waxa taasi dhalisay rabshado bulsho oo salka ku haya heshiiska ay wada gaadheen labadaas shirkodadood, taas oo ugu dambeyn uu soo afjaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi.

Ilaa iyo intii ay arintani socotay, 82-ka xildhibaan ee Golaha Wakiilladu kama aysan hadlin arrintan, mana aysan qaadin tallaabo muuqata oo ah mataladaaa shacabka.

Aamusnaantani waxay dhaawacaysaa kaalintooda dastuuriga ahayd oo ah in ay qaataan mataladii dhabta ahayd ee shacabka Somaliland, maadaama oo ay ku fadhiyaan CODKA BULSHADA.

Waxaanu ugu baaqaynaa Golaha Wakiilladu inay qaataan kaalintooda dastuuriga ah taas oo ah matalaada shacabka si loo xoojiyo islaxisaabtanka bulshada iyo dawladniamdda. Golaha wakiiladu waa matalaada dhabta ah ee shacabka marka ay yimaadaan arimahan oo kale.

Dhamaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here