Hargeisa– Waxa ka qabsoomay Hotel-ka Damal ee Magaalada Hargeysa intii u dhaxaysay 26-27/11/2025 oo waafaqsan 5-6/Jumaadi-II/1447, Shirweynahii 3aad ee Guddiyada Shareecada Baananka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Somaliland.
Shirwaynahan waxaa soo qaban qaabiyay Baanka dhexe ee JSL, Waxaana ka soo qeyb galay dhammaan Guddiyada Shareecada Baananka Hay’adaha Maaliyadeed, Iyo khubaro kala duwan.
Shirwaynahan Waxaa ka soo baxay War-murtiyeedkan hoos ku xusan:
1. Shirwaynuhu wuxuu us oo jeedinayaa guddiyada shareecada Baananka iyo hay’adaha maaliyadeed talooyinka hoos ku xusan;
a) in ay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo aqoon-iswaydaarsiga, si ay uga qayb qaataan horomarka Hay’adaha Maaliyadeed iyo bulshada.
b) in Cilmi badhisyo laga sameeyo hanaanka iyo qaababka adeegyada Maal-galineed ee ay bixiyaan Baananka iyo hay’adaha maaliyadeed.
c) In la xoojiyo wacyigalinta bulshada ee ku saabsan kolsoonida adeegyada maal-galineed ee ay bixiyaan Baananka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee JSL.
2. Shirwaynuhu wuxuu usoo jeedinayaa hay’adaha maaliyadeed qodobadan hoos ku xusan;
a) In daraasad qoto dheer lagu sameeyo sidii loo dajin lahaa hab lagu maamulo heerka macaashka ee Muraabaxada, lana sameeyo guddi arinkaas ka soo talo bixiya.
b) In ay fidiyaan hababka ma al-galinta ee kala duwan sida; Istisnaaca, Mudaarabada, iyo IJaarada, Macaamiishana loo furo Xisaabta Maalgashiga (Investment deposit Accounts).
3. Ugu danbayn Shirwaynuhu wuxuu u soo jeedinayaa Baanka Somaliland in uu kor u qaado kaalintiisa korjoogaynta ee dhinanaca Maal-galinta, iyo dhamaystirka shuruucda, iyo Nidaamka Maamul wanaaga Maaliyada.
ALLAH MAHAD LEH




















