Wakiilka Somaliland Ee dalka Sweden Oo ka hadlay dal-ku-galka Somaliland

0
228

Hargeysa,(HargeisaPress) – Wakiilka Somaliland u fadhiya Sweden, Amb Zakariye Xasan Wacays ayaa ka hadlay dal-ku-galka Somaliland isaga oo sheegay sheegay in Madaarka Hargeysa laga qadan doono.

Wakiilka Somaliland Ee dalka Sweden Ayaa warbixin qoraala soo dhigay bartiisa Facebook waxayna u dhignayd sidan:-

WARGELIN RASMI AH

“Waxaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan socdaalayaasha ku soo jeedinaynaa in dal-ku-galka Somaliland lagu qaadanayo gudaha dalka, isla markaana aan lagu waydiin doonin wax visa ah markaad soo gelaysaan dalka, sida uu dhigayo nidaamka socdaalka ee Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaan ka raalli-gelinaynaa muwaadiniintii iyo dadka kale ee ay dhibaatadu ka soo gaadhay falalkii carqaladaynta ahaa ee ay ku kacday mamula muqdishoa, kuwaas oo loola jeeday in lagu wiiqo madax-bannaanida dhulka, hawada, iyo badda Somaliland.

Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay shacabka u xaqiijinaysaa in dedaallada lagu wiiqayo madaxbannaanida qaranka aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin, isla markaana arrimahan si dhaw loo maareynayo. Waxaan kalsooni ku qabnaa in sheegashooyinka aan salka lahayn ee ka imanaya Muqdisho ay dhawaan soo afjarmi doonaan.

ALLA MAHAD LEH
Xafiiska wakiilka Somaliland Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here