Waddani oo sheegay in go’aamada Soomaaliya waxba ka badeli-doonin qadiyadda Somaliland

0
1500

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa wazaa uu cambaareeyay go’aankii ay Soomaaliya shalay soo saartay, ee ay amarada ku dul dhigtay shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay.

Maamulka Soomaaliya, ayaa shirkaddaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay ku amartay inay joojiyaan isticmaaalka magaca Somaliland.

Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in go’aamada Maamulka Soomaaliya aanay waxba ka badeli doonin qadiyadda dalka Jamuuriyadda Somaliland.

Wuxuu sheegay in Somaliland aanay ku iman sheeko iyo waraaqo la qoro, ee ay ku timid dhiig iyo xinjiro cas cas, isagoona xusay in Somaliland tahay himilo shacab oo aanay bedeli karayn magac websayd laga saaray.

Xoghayaha, ayaa tilmaamay in Somaliland ay tahay dal leh xuduudo la yaqaano, iyo taariikh ka duwan ta Soomaaliya, oo loo soo maray halgan dheer.

Waxaa uu sheegay in go’aanada Maamulka Soomaaliya ay gobolka ka abuurayaan xasarad isla-markaana ay dhalin doonto cadaawad iyo colaad.

Maamulka Soomaaliya, ayuu ku eedeeyay in ay siyaasadaysay ganacsiga iyo socdaalka taasi oo uu sheegay in aanay bedeli doonin go’anka Somaliland.

Maamuladii kala danbeeyay ee Soomaaliya, ayuu sheegay in ay cadaawad u muujiyeen Somaliland, hase yeeshee aanay jirin cid ixtiraamaysa Somaliland hadii aan la helin ciidamo awood leh iyo shacab midaysan.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here