UK: “Jidka Berbera-Corridor Wuxuu Kor U Qaadi-Doonaa Horumarka Somaliland iyo Itoobiya”

0
1640

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladda Ingiriiska, ayaa sheegtay in dhaqaalaha iyo horumarka waara ee Somaliland iyo Itoobiya ay kaalin weyn ka qaadan doonto waddada Berbera Corridoor ee isku xidha Dekedda Berbera iyo magaalada Wajaale ee xadka labada dal.taasi oo xilligan dhismaheedu gabogabo yahay.

Agaasimaha horumarinta u qaabilsan  Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, Damon  Bristow oo isaga iyo sarkaal kale oo ka tirsan Xafiiska UK ee Itoobiya, ay booqdeen dekedda Berbera iyo magaalo xudduudeedka Wajaale, ayaa shaaciyay in maalgelinta jidkaas halbowlaha ahi uu kobcin doono dhaqaalaha fursadaha shaqo abuurka iyo horumarka waara ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kaloo uu sheegay inay dhawaan baabuur ay wateen ku mareen jidka Berbera Corridoor oo dowladda Ingiriisku door ku lahayd maalgelintiisa.

Waxaanu sidoo kale uu xusay inay soo indho indheeyeen fursadaha iyo caqabadaha ku gadaaman waddadaas.

Damon Bristow wuxuu intaas ku daray in ay booqdeen bogcada soohdinta Wajaale ee u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya, oo uu tilmaamay in jidkaasi kor u qaaday isku socodka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here