Turkey: Dab Ka Kacay Cusbitaal iyo Dad Ku Dhintay

0
1023

Ankara (Hargeisa Press) – Ugu yaraan sagaal qof ayaa waxaa ay ku dhinteen kadib markii uu dab ka kacay cusbitaal ku yaala dalka Turkiga.

Dabkan ayaa waxa sababay ama uu ka dhashay Haamaha Neefta ama mishiinka oxygenka, cusbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala koonfúrta galbeed ee dalka Turkeyga, sida uu sheegay wasiirka caafaadku.

Shilkan ayaa ka dhacay qaybta gargaarka degdega ah ee bukaanka xanuunka COVID-19 lagu daryeelo ee the Sanko University Hospital halkaas oo dabku uu sababay mishiin weyn oo neefta loo isticmmaalo oo lagu dabiibo bukaanka COVID-19, sida lagu sheegay war-saxaafádeed ka soo baxay cusbitaalkaasi.

Dabkan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay dad ka badan 50 qof´oo isugu jira dhakhaatiir, shaqaale caafímaad, ilaalada amaanka ee cusbitaalka, kuwaas oo isku dayayey inay bukaanka ka wareejiyaan qaybta gubatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here