Arroori (HP): Seerraha banka Arroori ee gobolka Togdheer oo muddo saddex bilood ah xidhnaa ayaa maanta dib loogu furay xoolaha si ay u daaqaan cawskii lagu kaydiyay Seerrahaasi.
Waxaana furitaanka Seerahaasi goob joog ka ahaa maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, isu-duwaha wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee gobolka Togdheer, iyo masuuliyiin kale.
Seerrahan Banka Arroori ayaa ka mid seere-daaqsimeedyo ay wasaaradda deegaanka iyo is bedelka cimiladda Somaliland dalka ka xidhay, kuwaasoo xiliyadda Jiilaalka ama abaaraha xoolo dhaqatadda loo furo.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.