Tirada Dadka Abaaruhu Sameeyeen Ee Somaliland Laga Cabsi Qabo Inay Gaadhaan 1 Milyan

0
522

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland, Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay in ay kordhaan Tirada Dadka Abaaruhu ay Sameeyeen ee Somaliland.

Guddoomiyaha, ayaa shaaca ka qaaday in saddexda bilood ee soo socda laga yaabo in dadka abaartu saameysay ay gaadhaan Milyan iyo laba boqol oo qof, haddii aan dadka ILLAAHEY raxmaadkiisa u Shubin.

Waxaa kale oo uu Guddoomiye Faysal Cali Sheekh xusay in dadka sida dhabta ay u taabatay dhibaatada abaartu ay dhan yihiin hadda sideed boqol iyo toban kun oo ruux.

Guddoomiyaha Hay’adda Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland, ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dadkani ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah in lala gaadho, si loo samata bixiyo.

“Gobollo fara badan oo Somaliland ahbay saameysay abaartani, roobkii Gu’ga si fiican  looma wada helin, Guddi farsamo ayaanu u diray lixda gobol ee dalka, dhibaatada abaartu waxa ay saameysay 810,000 qof, oo qof una baahan kaalmo deg deg ah, lana filayo saadaashuna in milyen iyo laba boqol oo qof gaadho, saddexda bilood ee soo socda haddii ILLAAHEY aanu roob inoo shub”ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland, Faysal Cali Sheekh.

Guddiga heer qaran ee Abaaraha Somaliland, ayaa waxaa ay ku hawlan yihiin sidii ay gurmad baad iyo biyoba leh u gaadhsiin lahaayeen Dadkan abaaruhu saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here