Telefishan caalami ah oo warbixin ka qoray guulaha ay Somaliland gaadhay

0
1357

Hargeysa (Hargeisa Press)- Telefishanka MEMRI oo ka mid ah warbaahinta faalleysa siyaasadda bariga dhexe, ayaa warbixin uu qoray, waxa uu ku sheegay in Somaliland ay tahay dal nabdoon oo dimuqraadi ah oo istaahila in loo aqoonsado qaddiyaddooda madaxbannaanida.

 

Telefishanka MEMRI, wuxuu ka warramay marxaladihii ay soo martay Somaliland, waxaannu sheegay inay xornimadeeda kula soo noqotay 1991kii halgan qadhaadh oo ay la gashay maamulkii keligii taliyihii Siyaad Barre.

Warbixintan waxa ay intaas ku dartay wixii la soo noqoshadeeda madaxbannaanida kadib, ay Somaliland gaadhay guullo waaweyn oo la xidhiidha dhinacyada nabadgelyada iyo horumarka ah.

MEMRI TV waxa uu xusay in Somaliland 33-kii sannadood ee la soo dhaafay ay ka xasilooni badan tahay dalal badan oo la aqoonsan yahay, isla-markaana leedahay astaamihii dowladnimada oo dhan; sida dowladnimo dimuqraadi ah, ciidammadii amaanka iyo lacag u gaar ah.

Warbixintu waxa ay iftiimisay in Somaliland ay ka soo kabatay burburkii baahsanaa ee ay Soomaaliya u geysatay magaalooyinka Somaliland.

Warsiduhu wuxuu xusay in Soomaaliya Sannadkan 2024 ay xaaladeedu cirka isku sii shareereyso, kadib markii ciidammadii nabad ilaalinta oo ay ugu badnayd dowladda Itoobiya ay beddelayaan kuwo ay Masar ka mid tahay.

Waxa kaloo warbixintu sheegtay in Somaliland indhaha caalamku soo jiidatay, kadib markii ay heshiis isfaham oo badda ah ay la gashay dowladda Itoobiya oo lagu wado inay noqoto mid ka mid ah xulafada waaweyn ee ay Somaliland ku leedahay gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here