Hargeysa, (HargeisaPress) — Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo barayahan samaysay waxaa gobolada kala duwan ee dalka ka bilowday tartamo kaalmo shaqo halkaas oo dhalinyaradu dalku si simman ugu tartameen 50-kaalmo Shaqo gobol walba Sidaa darteed, 250 kaalmo shaqo oo laga soo xulay 5-gobol oo kamid ah dalka kadib waxaa maanta si hufan looga bilaabay tartamadii . kaalmaha shaqo gobolka Maroodi-jeex caasimadiisa Hargeysa
Subaxnimadii hore ee saaka ayey dhalinyaro tiro badan oo aqoonyahan ahi kasoo xaadireen madasha Machadka Shaqaalaha Dawladda oo loo asteeyey in uu ka dhaco tartankaasi.
https://youtu.be/05mnjkr5QuI
Waxaa xusin mudan in indhahaagu qabanayeen gabdho aqoonyahan ah oo si rejo iyo himilo badan ka muuqato uga qayb qaadanayey tartamadii loo gelayey kaalmaha shaqo ee dalka iyada oo ilaa imka ay dalka guulaysteen 75 gabdhood iyada oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu fulinayso Amarkii Madaxweynaha JSL iyo qararkii kasoo baxay Golaha wasiirada JSL kaasi oo faraya in kooto gaar ah loo xidho habalaha xiliyada lagu gudo jiro tartamada Shaqada iyada oo imkana ay guulaysan doonnaa 15-ka gabdhood ee ugu sareeya dhinaca gabdhaha
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Sharmaake Axmed Muxumed Gelle oo madasha ka hadlay ayaa ku hamblayeeyey tartamayaasha fursada wanaagsan ee ay dalkooda ka helaan halkaas oo dalku maanta uu ka nastay wax walba oo shaqo lagu heli karo marka laga yimaaado qalinka qofka
Gudoomiye Sharmaake ayaa sida oo kale tartamaayasha hortooda ku dhaariyey macalmiintii loo asteeyey samaynta iyo sixida imtixaanka isaga oo dhankiisa ugu bushaareeyey dhalinyarada in shaqooyinku jidkaa ay qaadeen hayn doonnaan.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa