Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa waxaa uu maanta shir-guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ah ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.
Waxaana shirkan si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda amni ee guud ahaan dalka Somaliland.
Shirkan oo ka dhacay xarunta taliska guud ee Ciidanka Booliska, ayaa warbixinno muhiim ah lagaga dhagaystay hogaanada iyo Taliye Qaybyeedada kala duwan ee Ciidanka, kuwaasi oo soo bandhigay xaaladda nabadgelyo ee dalka.
Taliyaha, ayaa saraakiisha ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo feejignaanta joogtada ah, si loo adkeeyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay is-kaashi buuxa u dhexmari lahaa Booliska iyo Bulshada.
Shirka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Taliye Ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, iyo saraakiil sare oo ka tirsan taliska guud.