Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa maanta soo kormeeray Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, oo ah halka uu ka dhici doono Bandhigga Caalamiga ah ee Buggaagta Hargeysa (Hargeysa International Book Fair).
Bandhigga Caalamiga ah ee Buggaagta Hargeysa kalkiisii 18naad, ayaa furmi doona 26 bishan ee toddobaadka soo socda.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa waxaa xarunta ku soo dhoweeyey, Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Dr. Jaamac Muuse Jaamac.
Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanku waxa uu mahad gaar ah u direy Ciidanka Booliska Somaliland oo sannad kasta si gaar ah uga warhaya bandhigga, martida badan ee timaaddana suga ammaankooda.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa isaguna dhinaciisa ka sheegay sida ay muhiimka u tahay in martida dalka imanaysaa u dareento xasillooni, nabadgelyo iyo rayrayn muddada ay dalka joogaan, si ay farriintaa wanaagsanna ugula noqdaan dalalkii ay ka kala yimaaddeen.