Taliyaha Ciidamada Itoobiya oo u hanjabay Madaxda Soomaaliya

0
1905

Jigjiga (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu, ayaa waxaa uu digniin iyo eedaymo culus u jeediyay madaxda maamulka Soomaaliya.

Taliyaha oo khdubad ka jeediyay munaasabadda dabbaaldegga sannad-guurada 47-aad ee taliska bariga Itoobiya, ayaa ku eedeeyay madaxda Soomaaliya inay la shaqeeyaan cadowga Itoobiya oo uu ula jeedo Masar.

Wuxuu sheegay Taliyuhu inay ka go’an tahay inay difaacaan madax-banaanida Itoobiya, haddii tallaabo loo soo qaado dhankooda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay u diyaar-garoobeen inay ka hortagaan wax kasta oo khalkhal gelinaya ammaanka, isla-markaana ay difaacayaan dalkooda.

Taliyaha ciidamada Itoobiya, ayaa ka digay wax uu ugu yeedhay cadowga Itoobiya oo carqaladeynaya horumarkooda iyagoo kaashanaya calooshood u shaqeystayaal iyo khaayunul waddan gudaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here