Hargeysa (HargeisaPress) – Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa bulshada uga digay in aanay sharciga gacanta ku qaadan, isagoo sheegay in masuuliyadda amniga muwaadiniinta iyo ajaanibta dalka ku suganba ay dowladda leedahay.
Waxa uu xusay in ciidamada boolisku qabteen eedaysane iyo gaadhi lagu siday maandooriyayaal kala duwan oo ay ku jiraan khamri, xashiishad iyo kiniinno, kuwaas oo sharciga la horgeyn doono.
Taliyuhu waxa uu bulshada iyo dhallinyarada ku dhiirrigeliyay iskaashi lagula dagaallamo maandooriyaha si loo badbaadiyo mustaqbalka ubadka iyo da’yarta.
Sidoo kale, Taliyaha Boolisku waxa uu ka hadlay khilaafka culimada Masaajidka Tabliiqa, isagoo sheegay in diinta lagu murmaa aanay ahayn, arrimaha dhexyaallana culimadu hoos iskaga xalliyaan.
Waxa uu caddeeyay in aan la aqbali doonin cid kasta oo amniga khalkhalgelisa ama bulshada kicisa, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.
Taliyuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in ciidanka boolisku u diyaar garoobeen difaaca amniga dalka iyo bulshada, isagoo tilmaamay in Ish-timaaca culimada Tabliiqa ee dhici doona 25-ka September 2025 aanu u baahnayn khilaaf iyo muran.
Waxaanu yidhi.“Waxaan bulshada uga digaya qofkasta oo muwaadina oo reer Somalilandna waxa amnigiisa ka masuula dowladda, qofkasta oo Ajaaniba oo dalka joogana amnigiisa waxa ka masuula dowladda, bulshada iyo dhallinyarada waxaan uga digeyna in ay sharciga gacanta ku qaataan, dadka Ajaanibta ah dhallinyaradii dhibaateysan ee boolisku soo qabtay sharciga ayaanu horgeyn doonaa oo kuwa badan ayaa u xidhan.
Hal eedaysan iyo hal baabuur ayaa loo qabtay Maandooriyayaal ka duwan oo ciidammada boolisku soo qabteen, kuwaas oo isugu jira Khamri, Xashiishad iyo Kiniin, haddii bulshada iyo boolisku iskaashadaan waynu ka adkaanaynaa, Ubaxeena iyo Da’yarteena soo koroya waynu badbaadinaynaa.
Ciidanka boolisku waxa uu diyaar u yahay oo heegan u yahay inuu la dagaalamo wax kasta oo waxyeela bulshada JSL.
Maalmihii ina dhaafay Culimadii Masaajidka Tabliiqa oo warbaahinta hadalo isumarinaya ayaanu warbaahinta ka daawaneynay, waa wax innagu cusub arrintaasi, oo ay ka dhigaan Diintii wax lagu murmayo Diintu wax lagu murmo maaha, wixii ay isku hayaan ee iyaga dhexdooda inay hoos u dhameeyaan oo arrimahooda iyagu xaliyaan ayaanu u soojeedinaynaa.
Cidna ka aqbalimeyno khalkhalgelinta amniga iyo dadka in la kiciyo oo iyada oo aan cidna looga amar qaadan wixii la doono la iskaga hadlo, cidkasta oo arrintaasi ku kacdana tallaabo ayaanu ka qaadaneynaa, oo warbaahinta ayaanu horgeyn doona.
May dhici jirin in ay kala Mabda noqdaan dadka Masaajidka Tabliiqu, bulsho badan ayaa ku xidhan, Ishtimaacii ayaa dhacaya 25/9/2025-ka Khalkhal iyo muran umaha baahna culimo Gambadh isugu soo fadhiisata oo Warbaahinta ka soo muuqata”

















