Taliska Ciidanka Booliska Oo Beeniyay War Laga Baahiyay

0
737

Hargaysa (HP): Ciidanka booliska JSL, ayaa beeniyay war lagu baahiyay baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka.

Kaasoo sheegayay in uu iscasiley taliyaha ciidanka booliska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Sanqadhi (Dabagale).

Sidoo kale taliska boolisku waxa uu sheegay in taliyuhu hawlo u gaara u tagey dalka dibeddiisa isla markaana uu maalinta bariya haddii ALLE Idmo uu imanayo.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraala oo lagu daabacay barta Facebook ee ciidanka booliska JSL.

Warkaasina wuxuu u dhignaa sidan.

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu beeninayaa warar been abuura oo lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo sheegayay in uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale).

Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin, tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga JSL.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya, waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii ALLE Idmo.

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here