Taiwan oo Ka Qayb-qaadanaysa Dhismaha Xarun Lagu Xanaaneynayo Duurjoogta

0
1068

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland iyo wefdi wasiiro ah oo ay hoggaaminayso, ayaa booqday xarunta guud ee lagu xannaaneeyo xayawaanka Duurjoogta gaar ahaan Harimacadka.


Wefdiga Wasiirka deegaanka Somaliland, ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa masuuliyiinta ka socda safaarada Taiwan ee Somaliland.


Xaruntan oo ku taalla Deegaanka Geed-deeble, ayaa lagu qabtay munaasibad kooban taas oo ay wasaaradda oo kaashaynaysa Hay’adda Cheetah Conservation fund ka hirgalisay goob lagu xanaaneeyo  Duurjoogta gaar ahaan Harimacadka.


Dowlada Taiwan, ayaa balanqaaday inay ka qayb qaadan doonto Dhismaha xarunta iyo Xannaaneynta Duurjoogta kala duwan ee lagu xannaanayn doono, iyadoona sidoo kale sheegtay inay markasta Teegeerayso horumarka ka socda dalka.
DAAWO: Munaasibadaasi iyo Hadaladii Laga Jeediyay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here