Tacsida Geerida Geesigii Halyeey Fuaad Aadan Cade Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

0
971

Inaa Lilaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Waxaan halkan Tacsi uga dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Allah Naxariistii Janno ha ugu deeqee Geesigii aan libiqsan jirin ee Halyeeyga ahaa Fuaad Aadan Cadde, waxaanan Allaha Raxmaanka ah ee Awwooda badan aan uga Baryayaa inuu Naxariistii Janno uu ka Waraabiyo , bisha Barakaysan ee uu hoyday Fadligeedana uu ugu Naxariisto. Aamiin.

Allah ha u Naxariistee Marxuumku Waxa u ahaa Geesi Dalkiisa Hooyo usoo shaqeeyay oo kasoo Qayb Qaatay Nabada Iyo Horumarka Dalkeena, waxa uu ahaa Geesi aan ka gabban jirin inuu Runta sheego Xataa haddii ay Mur ka qadhaadhahay, waxa uu ahaa Masuul Sharaf badan oo Mar Kasta u taagnaa Iftiiminta Xaqa oo cidii khaldan Farta ku fiiqa. Waxa uu ahaa Masuul isku kalsoon oo aan Madaxa hoos u dhigin cidna aan ka habrran oo xaalad kasta oo lagu jirto runta iftiimiya.

Waxaan mar kale Allaha Awooda badan uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ugu Deeqo, Qaranka Somaliland iyo Qoyskii uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here