Suuqa Waaheen oo loogu deeqay $1 Milyan oo Dollar

0
1073

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida dib u dhiska Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ee isugu jirta ganacsatada iyo culimada, ayaa maanta qadar lacag ah ku wareejiyay shirkadda gacanta dhismaha suuqa.

Guddidan, ayaa waxaa ay shirkadda gacanta ku haysa Suuqa Waaheen, ku wareejiyeen lacag dhan $1 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Madaxda guddida oo madasha ka hadlay, ayaa ka waramay deeqdan lacagta ah ee loogu talo galay in lagu dhiso suuqa oo dhismihiisu socdo.

Waxay sheegeen in lacagtan qayb ka mid ah loogu talogalay in lagu dhiso qayb ka mid ah Guriga Dowladda Heese ee Hargeysa ku lahayd suuqa.

Lacagtan 1 Milyan ee dollar ah, ayaa waxaa ay sheegeen in laga soo uruuriyay Samo-falayaasha caalamka iyo umada Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here