Muqdisho (Hargeisa Press) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta heshiis is-afgarad la saxeexday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang, kaasi oo ay shirkaddu ku maal gelinayso kalluumeysiga Soomaaliya.
Heshiiskan laba dhinac oo wakhtigiisu yahay muddo hal sano ah, ayaa ogolaanay in Maraakiibta shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group), la siiyo ruqsado ay uga kalluumeysato badda Soomaaliya.
Heshiiska cusub, ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka Soomaaliya, inay maal-galin ku samayso wax soo saarka kalluunka Tuunaha, kaasi oo ah kalluun xilliyeed guur-guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta Hindiya.
Munaasabadda saxeexa heshiiskan, ayaa waxa ka qeyb-galay goob joogayaal ka socda dalalka caalimka, khuburo kalluumeysi iyo wakiillada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding (Group) co.ltd.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya oo munaasibada ka hadlay, ayaa xusay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha Soomaaliya uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waa in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah,” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya, isaga oo digniin u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada sharci darada ah ku soo galaan biyaha Soomaaliya.