Soomaaliya oo Caddeysay in ay ka dambeysay Dagaalkii Huwanta

0
1624

Muqdisho (Hargeisa Press)- Xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday kaalinta ay ku lahaayeen dagaalkii kooxaha Huwanta ahi ay sannadkii hore ku soo qaadeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ee dhimashada iyo dhaawaca keenay.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo dhowaan kulan qarsoodi ah kula yeeshay kooxo culimo ah oo ku nool dalka Mareykanka, ayaa ka dalbaday inay gacan ka siiyaan sidii looga hortegi lahaa inuu hirgalo heshiiska iskaashi ee Somaliland iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen bilowgii sannadkan.

Fiqi oo uga waramay kooxaha dedaaladda Soomaaliya ku bixisay ka hortaga iskaashiga, ayaa sheegay inuu yahay muhiimadooda koowaad, isla markaana ay awoodooda isugu geeyeen oo waxii kale dhamaantood joojiyeen.

Waxuu sheegay inay fursad u heleen xoojinta dagaalkii Laascaanood, oo la’aantii Somaliland qarka u saarnayd in Maraykanku aqoonsi siiyo,

“Nasiibwanaag, hadii aynaan ku guulaysan dagaalkii Laascaanood, Somaliland waxay qarka u saarnayd in Maraykanku aqoonsi siiyo.” ayuu yidhi Fiqi.

Sidoo kale, Fiqi ayaa sheegay in kursiga aan joogtada ahayn ee golaha amaanku wax weyn ka tari doono sidii ay u hor istaagi lahaayeen hirgelinta heshiiska iyo aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya, ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay heshiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kala saxeexdeen, taasoo ka hor imanaysa war uu hore u sheegay oo ahaa inay la socdeen wadahadalka, isla markaana ay uga digeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muusu Biixi Cabdi in uu tallaabadaa qaado.

Fiqi, ayaa kula dardaarmay kooxaha culimada Maraykanka inay awoodooda isugu geeyaan sidii ay xildhibanaada iyo madaxda Maraykanka uga dhaadhicin lahaayeen ka hortaga heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

“Dedaalo badan ayaanu ka samaynay gudaha Somaliland iyo beelaha Darafyada iyo sidoo kale beesha dhexe inay ka horyimaadaan hirgelinta heshiiska, hawlahaasi meel fiican ayey marayaan.” ayuu sheegay.

Xukuumada, xisbiyada mucaaradka iyo bulshada, ayaa looga baahan yahay inay wadajir uga hortagaan dabinada Soomaaliya iyo kooxaha la socdaa ay ku dhaawacayaan nabadgelyada iyo wadajirka bulshhada.

Xukuumada, ayaa la sheegaya inay halista hadalka Wasiir Fiqi iyo siyaasada cusub ee Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu wada hadal la gelayo kooxda argagxisada Al shabaab wadooyinka diblomaasiyadeed kula wadaagi doonaan wadamada Saaxiibka iyo guud ahaan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here