Ilama aha, sidii lagu yaqaannay bay share-ta la boobeen iyaga oo qiimaynaya qofka qoraalku ka yimi, cidda mawduuca lagu daadefaynayo oo ay necebyihiin, dhibaatada mawduucu soo bandhigayo oo aan kor loo sheegi jirin, iyo waxyaabo kale oo qarsoon ba.
Hablo sidii badeecadda la iib geeyey oo jidhkooda ka ganacsada si ay biyo u helaan laguma sheegin meesha. Xaaladda biyo la’aanta abaartu keentay in ay sababayso in hablaha oo weligoodba reeraha u adeegi jirey in ay masaafo badan socdaan kadibna halis ugu jiraan in ay la kulmaan tacaddiga kufsigu ka mid yahay ayaa lagu sheegay warbixinta! Ma hablo ayaa jidhkooda ka ganacsday baa markaa? Teeda kale illaa waayadii hore, kufsigu hablaha yaryar soo gaadha ee miyigu sow ma aha mid dhaca xilliga ay xoolaha la joogaan amma biyo dhaamis doonaan? Beenabuurka halkan ku jiraa maxaa uu yahay? Halkeese ganacsaduhu ka keenay hablo ayaa la iib geeyey oo jidhkooda biyo kaga ganacsaday?
Dhanka kale, hablaha la sheegay in biyaha ceelka ay rabeen lagu khasbay in la guursado amma la faroxumeeyo yaa yidhi waa Soomaali? Maqaalku waxa uu sheegayaa biyo la’aan daran oo ka jirta gobolka Oromada ee Ethiopia iyo culayska hablaha fuulay heer la gaadhay in lagu qasbo in ay biyaha guur ku beddeshaan amma la kufsado. Hablo soomaaliyeed ma aha, sheekada inanta ku xigta ee soomaaliga ahi waxa ay sheegaysaa in inantu waxbarashadii ka hadhay oo reerkooda biyo u dhaamiso, bes. Abaaraha iyo colaaduhu waa waxyaabaha ubadka ka hakiya waxbarasho ay wateen, hablo aan waxbarasho ku jirinna waa u nugul yihiin in hore loo guursado. Tani na ma been abuur baa?
Arrinta sawiraanta, xuquuq oggolaansho oo dhammaystiran oo marka hore loo sheegay qaabka loo adeegsan doono haddii laga haysto hablaha sawiran, wax dhibi kuma jirto, dhibaatooyinka iyo baahiyaha haysta dumarka meel kasta oo ay adduunka ka joogaan ayuun bay kamid tahay, balse haddii aan sidaa marka hore loogu sheegin dadka meesha ku sawiran, xaq bay u leeyihiine xuquuqdooda halooga raadiyo cidda faafisay.
Ta u dambaysa ee isla xisaabtanku waa mid marwalba loo baahanyahay, abaar iyo abaar la’aan ba. Dawladduna lead-ka ha qaadato iyada oo daacada oo aan damqashada calooshiyo dalqada uun ka hadlayn.
Bal waakane dib u akhriya mawduuca uu faallada ka dhiibtay Ganacsade Ismaaciil: https://inews.co.uk/…/the-teen-girls-forced-into…
W/Q: Mohamed Mukhtar Ali