Stockholm (Hargeisa Press) – Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden, ayaa bangiyada dalkaasi ku eedeeyay in ay bartilmaameed sanayaan xawilaadaha Soomaalida oo ay ka xidhayaan akoon xisaabeedka xawilaadahaasi ay ku leeyihiin baananka dalkaasi.
Jaaliyadda Soomaalida ee Sweden, ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay arrinaasi soo farageliso maaddaama bay yidhaahdeen ay arrintaasi sababi doonto in masaariifii ay waayaan qoysas badan oo Soomaali ah oo Sweden laga soo masaruufi jiray.
Dadyow ka soo jeeda Bariga Afrika oo Soomaalidu ay hormuud u ahayd, ayaa Jimcihii ku dibadbaxay bannaanka banki ku yaal Stockholm oo sida la sheegay qaar ka mid ah xawilaadaha Soomaalida ku wargeliyay in uu ka xidhayo akoon xisaabeedkooda maaddaama sida uu sheegay ay ka soo bixi waayeen shuruuco adag oo uu ku xidhay.
Dibadbaxyadaasi waxaa dadkii soo abaabulay ka mid ahaa Caydaruus Aadan Xasan oo ah sharciyaqaan ku takhasusay sharciyada la xidhidhia lacagaha.