Laascaanood (HP): Wasaaradda xidhiidhka golayaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa maanta cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Sool gaadhsiisay dastuurka qaranka ee jamuuriyada Soomaliland.
Waxaana madax dhaqameedka gaadhsiiyay isu-duwaha wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo rarimaha dastuurka Somaliland ee gobolka Sool Yaasiin Cumar Ciise.
Waxaanu isku-duwuhu sheegay in u jeedadda ay ka leeyihiin qaybinta dastuurka in ay tahay sidii madax dhaqameedka Sool ay wax uga ogaan lahaayeen dastuurka qaranka ee Somaliland.
Taasoo qayb ka ah barnaamijka ay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Somaliland ay qaybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland ku barayso dastuurka.
Dhinaca kale wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa tababar ku saabsan barashada dastuurka u qabatay ardayda dugsiga hoose, dhexe ee degmadda Yubbe, oo ku taala Bariga gobolka Sanaag.
Waxaana tababarkaasi loo qabtay ardayda dugsiga hoose, dhexe ee degmadda Yubbe, furay isku-duwaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Somaliland ee gobolka Sanaag.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.