Laascaanood (Hargeisa Press.com): Magaaladda Laascaanood waxaa maanta lagu toogtay nin askari ah oo la sheegay in uu badhtamihii bishan dilay aaskari kale oo ay ciidamadda ka wada tirsanaayeen.
Tallaabadaasi oo la sheegay in ay ku heshiiyeen labadda dhinac ee ay ka soo kala jeedaan askariga hore dilka u gaysatay iyo ninkan maanta la qisaasay.
Ninkan askariga ah ayaa hore askari kale ugu dilay Laascaanood, kaasoo la toogtay maanta kadib markii ay ku heshiiyeen beelaha ay ka soo kala jeedeen.
Labadda askari ayaa ka wada tirsanaa ciidanka Asluubta Somaliland ee magaaladda Laascaanood.
Askarigan maanta la qisaasay ayaa 16-kii bishan magaaladda Laascaanood ku toogtay askari ay isku ciidan ka wada tirsanaayeen, iyadoo qof shacab ah uu rasaastaasi ku dhaawacmay.
Kaasoo markii dilka gaystay baxsaday balse la soo qabtay laguna wareejiyay beeshii uu ka soo jeeday ninka uu dilay.
Qisaasta ayaa ka dhacday degaanka Bali-Hadhac oo ka tirsan gobolka Sool. Waxaana goob joog ka ahaa cuqaal iyo waxgarad.
Kuwaasoo cadeeyay in tallaabadaasi looga gol leeyahay sidii nabadda labadda beelood loo xoojin lahaa.
Dhinaca kale maamulka gobolka Sool ayaan ka hadal askarigan loo qisaasay askariga kale. Balse madax dhaqameedka labadda beelood ay ku heshiiyeen in la qisaaso askarigaasi.
Waxaana la is waydiinayaa waxa sababay in laba askari oo dil dhex maray ay beelihii ay ka soo kala jeedeen heshiis ka gaadhaan iyadoo doorkii xukuumadu aanu jirin.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.