Somaliland: Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhaqanka Oo Soo Kormeeray Garoomada Gabiley

0
1202

Gabiley, (HargeisaPress) — Wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa saaka soo gaadhey gobalka gabiley ujeedada socdaaalka wasiirka ciyaaraha ayaa mid uu ku kormeeray garoomada ciyaaraha gobalka gabiley madaama roobab laxaad lihi ka da,een magaaalada isla markaana si uu arko waxyeelada soo gaadhey garoomada gabiley sidoo masuuliyiinta gobalka gabiley sida maayar mahamed aaamin cumar abdi iyo badhasaaabka Xamse Mohamed Cabdilaahi ayaa wasiirka ugu war bixiyey xaaladaha garoomada gobalka gabiley  iyadoo dhawaan bisha barakaysan ee ramadaaan oo ay kooxaha iyo ciyaartoyada ka dhisan gobalka gabiley ay ku kulmaan tartamo ay sooo agaasinto dawlada hoose ee gobalka gabiley halkaasi oo ay 21 kooxod oo heerarka kowaad iyo labaadba ku loolamaaan koobka bisha ramadaan isla markaaan ay mihiim tahay in wasaarada ciyaaraha iyo dhaqankku ay iyaduna ka qayb qaadato loolanka tartanka barakaysan ee ramadaan oo ka dhaca garoomada kala duwan ee gobalka gabiley.

 

Sidoo kale wasiirka ciyaaraha ayaa deeq kubado iyo dirays dhawr kooxod gaashsiyey maaayarka mahamed aamin cabdi iyo badhasaabka Xamse Mahamed Cabdiaaahi inkastoo Wasiirka wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane aanu soo gaadhsin deedi sports ee ulahaa gobalka gabiley kana sugayey wasaarada dhaqanka iyo ciyaaraha madaama uu gobalka gabiley hormuud uyahay kooxaha ka dhisan gobalada kale ee dalka isla markaan haysto koobkii udanbeeyay uu kubada kolayga isla markaana ay mihiim tahay inuu deeqdii uu kulahaha wasaarada ciyaaraha.

 

Hadaba kulankan uu wasiirku la qaatay masuuliyinta gobalka gabiley ayaa ahaa mid la isku dhaaafsaday in la dar dar galiyo dhalinyarad gobalka gabiley iyadoo dhalinyaradu manta ku jiraaan xaalado tahriib.sidoo kale in kor loo qaado garoomada guud ahaan gobalka gabiley.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here