HARGEYSA ,(HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Pro: faarax Cilmi Geedoole, Ayaa sheegay in Wasaaraddiisu Qorshaynayso sidii Biyo xidheeno looga samayn lahaa Dooxyada Waaweyn ee dalka dhex maray, siiba Dooxa Hargeysa oo dhib badan ku haya Beeraha.
Wasiirka oo sharaxayay waxyaabaha ay ku qabanayaan Dhaqaalaha wasaaraddiisu ka heshay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ayaa sheegay in Cabashada ugu badan ee Beeralaydu tahay Dooxyada. Waxa uu sheegay in Mashruuc Biyaha lagu xidhayo ay samaynayaan, kaasi oo ay ku jiraan Tababaro Shaqaalaha iyo Beerlayda loo sameeyo, Meelo tijaabada lagu sameey, Cilmi Baadhis iyo Geed weynka oo Beeraha lagu beero.
“ Waxaanu is nidhi Suurto gal ma tahay in Dooxyadaa Biyaha qaadaya wax laga qabto. Waxaanu eegnay saddex doox oo Magaalooyinka waaweyn dhex mara, waa Dooxa Hargeysa dhex mara, Dooxa Burco iyo Dooxa Boorama.waxaanu Eegnay dhibaatooyinka ay ku hayaan Dhul Beereedka iyo Degaankaba, waxaanu u Aragnay in Dooxa Maroodijeex(Hargeysa) yahay ka dhibta ugu weyn ku haya Beeraha iyo degaanka. Cabashada Ugu fara badan ee Beelayda iyo degaanka ka yimaadaa Dooxan Hargeysa” ayuu yidhi Wasiir Geedoole
Wasiirka Beeraha oo Khasaaraha Dooxu gaysto ka hadlayay wuxuu yidhi “ Roob kasta oo Da’a waxaa la waayaa Boqolaal Geed, waxa la waayaa wax 20 Sano dadku ku soo tabcayay, oo haddii aad aragtaan aad ka Ilmayn lahaydeen.Beeralayda Dooxa Hargeysa ka hoosaysa ama Darar weyne iyo Xumbo weyne iyo Agagaarka Jaleelo, Boqolaal Geed oo Cambe iyo Liin ah ayuu sanad kasta ka qaadaa.”
Wasiirka ayaa ka hadlay Qorshaha wax lagaga qabanayo dhibaatada beeraha iyo degaanka uu ku hayo Dooxa Hargeysa “ Mashruucan Lacagta galaysaa ma badna oo waa 2 Milyan, waxa Dhulka galayaana way ka yar tahay,markaa waxaanu is nidhi haddii Dooxa ha la qabto la yidhaahdo halkee laga bilaabi karaa. Haddii badhtanka laga qabto Biyihii Korka ka yimid ayaa wixii la sameeyay baab’inaya, markaa waxaanu is nidhi halaga bilaabo Dhibicda Ugu saraysa ee Biyaha Dooxa Hargaysa halkay ka soo bilaamaan.” Ayuu wasiirku yidhi isagoo intaasi raaciyay’
“Mashruucani waxa uu koobayaa Boqol iyo saddex iyo Lixdan Kilomitir oo isku weer ah(163 KM Square) oo laga soo bilaabayo halka ugu saraysa ilaa dhaboolaq. Mashruucan haddaba maxaa la samaynayaa? Waxyaabaha la samaynayo waxaa ka mid ah Biyaha Buurta ama Taaggaga ka soo degaya in la qabto, Waxa lagu qabanaa Dhagax, waxaa la samaynayaa laba iyo toban kun(12,000) oo Naxar oo yaryar dhagax ah oo Qaabka Bisha loo samaynayo. Marka kuwaa la soo dhaafo waxaa Beeraha dhexdooda laga samaynayaa Naxaro(Moosas) Ciid ah oo Tiradoodu tahay 415KM. 415KM oo ah Dhererkaasi oo ah ilaa Boorama ilaa Burco. Marka Beerahaas laga yimaado waxaa la imanayaa Dhulkii Jeex-jeexmay iyo Boholihii, kuwaasi oo dhagax la dhex dhigayo, dhagaxaasi oo Biyihii Hakinaya kuwaasi oo tiradoodu tahay 2,480 Mitir Kuyuubig. Wixii intaasi biyo soo dhaafa waxaa la samaynayaa 9 Balli oo Biyihii intaasi soo dhaafay ku Ururayaan. Waxa kale oo la samaynayaa 5 Barkadood oo baaba’ay, waxa kale oo la samaynayaa” ayuu yidhi Wasiirku.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa