Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Mucaaradka Eedeeyay + Muuqaal

0
2371
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde

HARGEISA, (HargeisaPress) —Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde,  oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa mucaaradka ku eedeeyay inaanay danaynayn ammaanka dalka, islamarkaana jecel yihiin ammaan darro.

 

 

Wasiirku ma sheegin cid gaar ah oo uu ku eedeeyay hase ahaatee wuxuu mucaaradka ku tilmaamay kuwo aan muraad ka lahayn ammaanka qaranka.

 

 

 

 

Halkan ka Hoose ka daawo Muuqaalka

 

 

 

 

Geesta kale waxa uu sheegay ballanqaadyo dhexmaray Beesha Cali Khaliif oo xukumaddu Caynaba kula gashay heshiis dhinaca ammaanka iyo horumarka khuseeya. Waxa uu sheegay in balanqaadka xukumaddu ku salaysnaa wax wada lahaanshaha iyo caddaalad samaynta bulshada Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here