SOMALILAND: Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo Kormeer Ku Tagtay Cisbitaalka Qaaxada ee Hargeysa

0
379

Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay Cisbitaalka Qaaxada ee magaalada Hargeysa, si ay indhaheeda ugu aragto xaaladda guud ee goobta iyo adeegyada caafimaad ee halkaasi laga bixiyo.

Kormeerkan ayaa waxaa Wasiir ku-xigeenka ku wehelinayay masuuliyiin sare oo ka socday hay’adda World Vision, kuwaasi oo ah la-hawlgalayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee dhinaca adeegyada caafimaadka bulshada. Waxaa si gaar ah loo eegay qaybaha kala duwan ee cisbitaalka, sida qaybta daawaynta, qaybta bukaan-socodka, agabka la isticmaalo, iyo weliba adeegyada ay bixiyaan shaqaalaha caafimaadka.

Marwo Samsam Maxamed Saalax oo warbaahinta la hadashay kaddib kormeerka ayaa sheegtay in ujeeddada safarkoodu tahay sidii loo adkayn lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha taageera, loona hubin lahaa in adeegyada la bixiyo ay la jaanqaadayaan baahida dhabta ah ee bulshada.

“Cisbitaalka Qaaxada waa xarun muhiim ah oo bulshada si weyn ugu tiirsan tahay. Waxaan doonaynaa inaan xaqiijino in adeegyada la bixiyo ay yihiin kuwo tayo leh, la heli karo, lana xoojin karo mustaqbalka,” ayay tidhi Wasiir ku-xigeenku.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadku ugu jirto kor u qaadidda adeegyada caafimaadka, daboolidda baahiyaha dadweynaha, iyo ilaalinta caafimaadka guud ee shacabka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here