Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Dib-U-Habeyn Ku Samaysay MANHAJKA Waxbarashada Aasaasiga Ah

0
1625

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo ku hawlan Tayeynta Waxbarashada Aasaasiga ah ee Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare, ayaa Muddo dheer ka dib, dib-u-habeyn ku samaysay Guud ahaan qaybaha MANHAJKA Waxbarashada, waxaana la soo daabacay Buugaag cusub oo Wasaaraddu ugu Talo-gashay in Ardayda wax looga dhigo.

 

Shir-jaraa’id oo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi-dheere), Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Prof. Cabdi Cali iyo Agaasimayaasha Laamaha Wasaaradda Waxbarashadu ka kooban tahay Maanta ku qabteen Xarunta Wasaaradda, ayay ku shaaciyeen in lagu guuleystay dib-u-habeyn lagu samaynayey Guud ahaan Manhajka Waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee Somaliland, dibna loo soo daabacay Buugaag Xambaarsan Manhaj-Waxbarasho oo Aqoonyahannada Reer Somaliland si waafiya uga shaqeeyeen, kaasi oo lagaga Maarmi doono Manaahij kala duwan oo Dugsiyada Somaliland qaarkood lagu dhigi bixin jiray.

 

Agaasimaha Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Yaasiin Diiriye oo ugu horeyn Shirka Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in Muraajaco lagu sameeyay Manhajka Somaliland, sidoo kalena lagu guuleystay in Wasaaraddu soo daabacdo Buugaag tiro badan oo Xambaarsan Manhajka lagu dhigayo Heerarka kala duwan ee Waxbarashada Aasaasiga ah.

 

“Waxa Muraajaco lagu sameeyay MANHAJKA Waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe, waxaana dib-u-habayn iyo Tayeyn lagu sameeyay Manhajka Dugsiyada Sare ee Somaliland, waxaana lagu daray (Duruusta lagu dhiganayo Dugsiyada Sare) Xirfado Ardaydu ka faa’ideysan doonaan Mustaqabalka.” Ayuu yidhi, Agaasimaha Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashadu, waxaanu intaa ku daray oo uu faahfaahiyey Aqoonyahannada ka shaqeeyay Dib-u-habeynta lagu sameeyay Manhajka, “Aqoonyahanno Wasaaraddu u xushay  inay dib u eegaan Manhajka, ayaa ka shaqeeyay.”

 

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in Buugaagta Wasaaraddu soo daabacday ee Xambaarsan Manhajka Waxbarashada Aasaasiga ahi ay wax badan ka beddeli doonaan Tayada Waxbarashada lagu dhigo dugsiyada Waxbarashada, “Dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa la bilaabay 1997-kii, illaa xilligaa ma heli jirin Buugaag ay Ardaydu wax ka dhigtaan, laakiin Macalimiinta ayaa Marmar Dalka dibaddiisa looga soo iibin jiray Buugaag ay wax ka dhigaan, markaa waa ILAAHAY Mahaddii haddii Maanta baahidii buugaagta laga saaray Ardaydeena.” Ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey, “Buugaagta la soo daabacay ee dugsiyada Dhexe waa Toban Maaddo.”

 

Agaasimuhu waxa kale oo uu tilmaamay in Guud ahaan Dib-u-habeynta lagu sameeyay Manhajka Waxbarashada Somaliland ay ka hawl-galeen 106 Aqoonyahan oo Wasaaraddu xushay.

 

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne), oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Guddi uu Madax u ahaa soo xuleen in Shirkad lagu Magacaabo Hemo oo fadhigeedu yahay Hargeysa soo daabacdo Manhajka Waxbarashada Somaliland, ka dib markii ay ku guuleystay Tartan la geliyey Shirkado kala duwan, “Shirkado ayaa ku tartamay soo Daabacidda Manhajka Waxbarashada Somaliland, waxaana tartankaa ku guuleysatay Shirkadda soo daabacday oo Magaceedu yahay Hemo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Guddi aan Guddoomiye u ahaa oo (Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadu u saaray) ayaa soo xulnay Shirkadda Hemo, waayo? Waxay ka soo baxday Shuruudihii lagu qiimaynayey Shirkadaha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Agabka ay haystaan iyo Awoodda ay u leeyihiin inay Manhajka Daabacaan. Sidaa daraadeed waxa Guul ah in inay Somaliland samaysato Buugaagteeda iyo Manhajkeeda.”

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof. Cabdi Cali oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa guul ku Macneeyay in dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare ee Somaliland helaan Buugaag uu Manhajka Somaliland xambaarsan, waxaanu yidhi, “Ardaydeenna Dugsiyada sare ma haysan Buugaag, taa Macnaheedu waxa weeyaan inuu Manhajkii qaatay iyo in kale, taa Macnaheeduna waxa weeyaan lama garanayo in Manhajkii gudbay iyo in kale. Markaa Weelkii Manhajka Waxbarashadu waa Buugga.”

 

Waxa gabogabadii ka hadlay halkaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), waxaanu Wasiirku sheegay in Tallaabada Wasaaraddiisu ku soo daabacday Buugaagta ay guul u tahay guud ahaan Somaliland, Ardayda Dugsiyada Dalka iyo Wasaaraddiisaba.

wasiirka waxbarshada Cabdilaahi

Wasiir Cabdillaahi-dheere oo ugu horeyn Sharraxaya Lacagta ay Wasaaradda ugu kacday daabacadda Buugaagta dugsiyada Hoose/Dhexe iyo sare ee Somaliland, ayaa yidhi, “Qandaraaska Daabacaadda Buugaagtan waxaanu ku bixinay Laba Milyan oo dollar. Waxaa nagu kelifay inaanu Buugaagtan soo daabacanno markii la nagu yidhi  Soomaaliya maxaad ka tihiin ? Soomaali mar ayuun baanu wax u wada daabaceynaaye.

 

Waxaa ii muuqatay Buugaagtii lagu daabacay Xamar oo halkan (Somaliland) soo gashay. Markaa Carruurteena ma waxaynu u dhigeynaa Manhajka (Soomaaliya) sow inaynu Fikirno Maaha, markaa fikir baanu keenay, fikirkiina waakaa guuleystay, Nimankaasina (Shirkadda daabacday) way noo hirgeliyeen Fikraddii, wayna Mahadsan yihiin. Wasaaraddu isku tashi bay samaysay, isku Tashigiina waataa guushiisu, markaa waa in Qaranka Somaliland isku tashado.”ayuu yidhi, Wasiir Cabdillaahi-dheere, oo intaa sii raaciyey in Buugaagta la soo daabacay Ardayda lagaga iibin doono qiimo aad u jaban, “Ardayga Dugsiyada Hoose/Dhexe waxa Buugga laga siin doonaa $ 1.70 doollar, ardayga Dugsiga Sare-na waxa Buugga uu ku heli karaa $ 2.75 ilaa 3 doollar, laakiin Dugsiyada gaarka ah oo (Waxoogaa Buug ah soo daabacday) waxay Halka Buug ka siiyaan Ardayga Dugsiga Sare 30 doollar.”

 

Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaraddiisu ku dedaalayso sidii loo tayeyn lahaa Waxbarashada Aasaasiga ah oo uu sheegay inay hoos uga dhacday Heerkii loo baahnaa, “Waxaan arkay Arday dhigta Fasalka labaad ee Dugsiga Sare oo ka qallin-jabiyey Jaamacad, Waar Bahasha yaynaan kufsan (Waxbarashada) ee aynu Martabaddeeda u deynno, oo Carruurta intaynu garaneyno uun ma u dhignaa Master iyo PhD ha inoo dambeeyaane.” Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here