Somaliland waa halka ay Hindiya kaga hortagi karto saameynta Shiinaha

0
6931

Delhi (Hargeisa Press)- Khabiir u dhashay dalka Hindiya, isla-markaana falaanqeeya siyaasadda Geeska Afrika iyo Asia oo lagu magacaabo Samir Bhattacharya, ayaa dowladda Hindiya kula taliyay inay xidhiidh dhow la samaysato Somaliland, iyada oo adeegsanaysa dekeddeeda Berbera.

Khabiirka oo warbixin dheer ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Internet-ka, oo ay soo turjuntay Shabakada HargeisaPress, ayaa xusay in tani Hindiya ay siin karto qalab qiimo leh oo lagaga hortagayo saameynta Shiinaha ee xeebaha bari ee Afrika.

Wuxuu sheegay in haddii Hindiya ay Somaliland ka samaysato dhaqaale xooggan, in ay faa’iido u yeelan lahayd ganacsiyada Hindiya, isla-markaana ay kor u qaadi lahayd barwaaqada Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu ku taliyay in Hindiya oo raadinaysa marinka badda cas, ay ka fogaato Djibouti oo buux dhaaftay oo ay doorato dekedda Berbera ee Somaliland.

Samir Bhattacharya, ayaa sheegay in aanay Somaliland awoodin inay iska caabiso saamaynta Shiinaha muddo dheer – ilaa Hindiya soo baxdo.

Hoos ka akhriso warbixinta khabiirka

“Hindiya waa in ay xidhiidh dhow la samaysaa Somaliland, gaar ahaan iyada oo adeegsanaysa dekeddeeda. Tani waxay Hindiya siin kartaa qalab qiimo leh oo looga hortago saameynta Shiinaha ee xeebaha bari ee Afrika.

Hindiya oo raadinaysa marinka badda cas, waa in ay ka fogaato Djibouti oo buux dhaaftay oo ay doorato dekedda Berbera ee Somaliland. Berbera waxa ay maamushaa 1/10 inta ay le’egtahay marsada Djibouti, balse way sii kordheysaa, waxaana mahada iska leh maalgashiga Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta (UAE) oo ah xubno cusub oo ka tirsan BRICS iyo saaxiibada muhiimka ah ee Hindiya.

Hindiya ayaa marar badan maraakiib dagaal geysay gacanka cadmeed ee waqooyiga Somaliland, si loo ilaaliyo xasiloonida gobolka. Sida Hindiya ay ugu dadaalayso in ay hesho saamayn badan, Somaliland lafteedu waxa ay noqon kartaa lynchpin istiraatijiyadeed ee Hindiya.

Goobta iyo taariikhda Somaliland waxay faa’iido muhiim ah u tahay Hindiya. Gobolka ka go’ay Soomaaliya, waxa uu gacanta ku hayaa xeeb dhererkeedu yahay 850km oo ku teedsan badda cas, Berbera waa mid ka mid ah dekedaha Afrika ugu mashquulka badan. Ka hor intii aanu dagaal sokeeye burburin Berbera, Ingiriisku waxa uu dekedda u adeegsan jiray isku xidhka Itoobiya iyo Hindiya. Waxayna Itoobiya horaantii sanadkan la saxeexatay Somaliland heshiis taariikhi ah oo ay ku doonayso inay ganacsi iyo ciidanba ku yeelato dekeda.

Marka la horumarinayo cilaaqaad dhow, Hindiya waxay ku biiri doontaa shabakadda iskaashiga ee sii kordheysa ee Somaliland. Marka loo eego Soomaaliya iyo wadamo badan oo Afrikaan ah, Somaliland waa mid xasiloon oo dimuqraadi ah in ka badan 30 sano. In kasta oo aan si guud loo aqoonsan dal madax-bannaan, haddana waxa ay bilowday in ay la shuraakoobaan dalal badan. Caasimaddeeda Hargeysa, waxa ay martigelisaa qunsuliyadaha Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga, waxa kale oo ay xafiisyo ku leeyihiin xidhiidhka dalalka Britain, Denmark, UAE, Masar iyo Kenya.

Hindiya iyo Somaliland ayaa hore u wadaaga xidhiidh ganacsi oo xooggan. Somaliland waxa ay India ka keentaa badeecooyin kala duwan: Cunto, Batroolka, Gaaska, Mashiinada, Qalabka Dhismaha, Dharka, Tubaakada, Daawooyinka iyo Baabuurta. Hindiya waa mid ka mid ah ganacsiga ugu waaweyn ee Somaliland ku leh mugga konteenarada, waxaana weheliya Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga, Malaysiya iyo Sucuudiga.

Dekadda Berbera oo ah mid wanagsan oo ay ka hawlgasho iyo halka ay ku taal Afrika dhexdeeda ayaa ka dhigaysa hanti istiraatiji ah oo Hindiya leedahay. Sannadkii hore, Berbera waxay xataa ka sarraysa dekedda Mombasa ee Kenya marka la eego Tusaha waxqabadka Dekedda Koontaynarrada ee Bangiga Adduunka.

Waxa kale oo si fiican loogu meeleeyay Hindiya in laga sameeyo saldhig ciidan. Hindiya waxay ka hortagi kartaa isku dayga Pakistan ay ku doonayso inay ku faafiso xagjirnimada Islaamka ee Mozambique iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo sidoo kale saamaynta gobolka ee ciidamada Shiinaha, oo saldhig ku leh Djibouti.

Xidhiidhka dhow ee Somaliland waxa kale oo uu xoojin karaa xidhiidhka India iyo Imaaraadka oo US$300 milyan ku maalgaliyey balaadhinta dekedda Berbera iyo aagga ganacsiga xorta ah ee u dhow. Maalgashiga iyo mucaawinooyinka balaadhan ee ay Somaliland siiso Imaaraadku waxa ay wada-horumarinayaan Waddada Berbera Corridor iyo Itoobiya si ay ugu xidhidhiyaan dalkaas aan badda lahayn iyo dekedda. Taa bedelkeeda, Somaliland waxay u ogolaan doontaa Imaaraadka inuu saldhig cir iyo badda ah ka sameysto Berbera.

Imaaraatka Carabta ayaa hore maraakiib ugu soo xidhay magaalada Berbera oo qiyaastii 250km dhanka koonfureed kaga beegan dalka Yemen, halkaasi oo xulafada uu hogaamiyo Sacuudiga oo ay ku jiraan ciidamada Imaaraadka ay dhawaan dagaal kula jireen fallaagada Xuutiyiinta.

Sababtoo ah Itoobiya iyo Imaaraadku waxay xubin ka noqdeen BRICS 2023, wada shaqayn dhow oo lala yeesho iyaga waxay kor u qaadi kartaa maqaamka Hindiya ee koox-kooxeed waxayna siin kartaa fursado ay ku gasho dekedda Berbera. Itoobiya ayaa hormoodka ka ah iyada oo dhammaan ganacsigeedii u wareejisay Berbera.

Muhiimad weyn, xidhiidh adag oo lala yeesho Somaliland waxa uu Hindiya ka caawin doonaa inay ka hortagto saamaynta Shiinuhu ku leeyahay gobolka. 2020, Somaliland waxay aqoonsatay Taiwan. Waxa ay sii waddaa taageerada diblumaasiyadeed ee ay Taiwan u fidiso, in kasta oo Shiinaha uu cadaadis xoog leh kala kulmayo xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego baaxadda dhaqaalaheeda iyo la’aanta aqoonsi diblomaasiyadeed oo ballaadhan, Somaliland ma awoodo inay iska caabiso saamaynta Shiinaha muddo dheer – ilaa Hindiya soo baxdo.

Haddii Hindiya ay Somaliland ka samaysato dhaqaale xooggan, waxay faa’iido u yeelan lahayd ganacsiyada Hindiya, waxaanay kor u qaadi lahayd barwaaqada Somaliland. Iyadoo wadamada Afrika ay si isa soo taraysa u doonayaan inay iskaga soo saaraan dabinnada daynta ee Shiinaha oo ay raadiyaan wax kale, ka qayb qaadashada sii kordheysa ee India ee gobolka waxay dhiirigelin kartaa dadka kale ee xayndaab fadhiya inay ka fogaadaan dhaqaalaha Shiinaha.

Hindiya waa in ay dib u eegto istiraatijiyaddeeda Afrika oo ay la wadaagto dalalka kale ee ay isku fikirka yihiin si ay uga hortagto saamaynta Shiinaha ee gobolka. Xidhiidhka dhow ee Somaliland ayaa muhiim u ah horumarinta Pax-India-aag saamayn ku leh Hindiya- oo ku teedsan xeebaha bariga Afrika.”

Samir Bhattacharya waa saaxiib-wadaag la ah Barnaamijka Daraasaadka Istaraatiijiyadeed ee Mu’asasada Cilmi-baadhista Kormeeraha, New Delhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here