Gabiley (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta waxaa ay xabsiga ka sii daysay Aarre Sulaymaan Cowleed, oo ahaa mu’waadin reer Jabuuti ah oo in muddo ah ku xidhnaa xabsiga magaalada Gabiley.
Aarre Sulaymaan Cowleed, ayaana maanta xorriyadiisii dib u helay kadib markii maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Maroodi-jeex ay wax dembiya ku wayday.
Aarre, ayaa loo haystay eedo uu dhibane ka yahay madaxweynaha Jabbuuti balse maxkamadda Gabiley iyo tan racfaanka Maroodi-jeex, ayaa labaduba isku raacay in aanu wax dambiya lahayn.
Muuqaal uu horre Aarre u soo duubay intii aan la xidhin kahor, ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Jabuuti ay Somaliland ka codsatay in la aamusiiyo, oo aanu mar danbe Somaliland gudaheeda ka soo dhaliilin madaxda Jabuuti.
Aarre, ayaa waxaa uu ka dalbaday dadka reer Somaliland ee ay hooyadii ka soo jeedo in ay ka fal celiyaan xadhigiisa, waxaanu ka codsaday in aanay dowladoodu u gacan gelin Jabuuti.
Aarre Sulayman Cowleed, ayaa la sheegay inuu caan ku ahaa inuu Baraha Bulshada ku dhaliilo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.