Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjadii labaad ah.
Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in hadda ay xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee lagaga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.
Maxamed Cabdi Xargeeye oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaad Somaliland ayaa BBC u sheegay in haatan uu si deg deg ah ku faafayo cudurka xilli ay diiwaangeliyeen kiisas hor leh.
Wuxuu sheegay in arrimaha horseeday in cudurka uu mar kale uu ku soo laba kacleeyo Somaliland ay kamid tahay inay soo bateen kulamada dadweynaha gaar ahaan ololaha doorashada.
Dhawaan ayay ahayd markii Somaliland la soo gaadhsiiyay talaalkii ugu horeeyay ee Covid-19 oo kooban in ka badan 60,000 kun oo tallaalka fayraska ah, iyadoona la gaadhsiin doono 65 kun oo qof.